​Afghanistan: 27 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Kabul

Image

Warar ka imaanaya dalka Afghanistan gaar ahaan magaalada Kabul, ayaa sheegaya inay dhinteen 27 ruux, 40 kalena soo gaareen dhaawacyo kala duwan kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarun Booliis oo 20KM dhinaca Waqooyi ka xigta caasumadda dalkaasi.

Dadka dhintay waxaa kamid ah saraakiil Booliis oo waqtiga la qarxiyay kusii jeeday magaalada Kabul, waxaana tirada dhimashada ee Boliiska dalkaasi la sheegay inay marayso 20 qof.

Guddoomiyaha gobolka Paghman Mousa Rahmati, ayaa warbaahinta Associated Press u sheegay in qaraxaasi uu fuliyay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, isagoo intaasi raaciyay in dadka dhintay ku jireen saraakiil kasoo laabtay tababar ka dhacay gobolka Wardak.

Mas'uuliyadda weerarkaasi waxaa sheegatay kooxda Taalibaan, kadib Email ay u direen wakaaladda wararka ee Associated Press, waxaana qoraalkaasi soo gudbiyay ruux sheegtay afhayeenka ururka oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid.

20 bishan ayay ahayd markii qaraxyo ka dhacay caasumadda Kabul lagu dilay 24 ruux ay ku jireen 12 kamid ah ciidamo kasocday dalka Nepal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM