Afghanistan: 40 ku dhimatay qarax gilgilay Kabul

Image
Image
Image

KABUL - Ugu yaraan 40 qof ayaa ku geeriyootay, 140 kalena way ku dhaawacmeen qarax saaka oo Sabti ah gilgilay magaalada Kabul, ee caasimadda dalka Afghanistan.

Saraakiisha Booliska Kabul ayaa sheegay in qarax oo loo adeegsaday gaari Ambulance ah uu ka dhacay banaanka hore ee dhisamaha wasaaradda arrimaha gudaha, kuna dhaw fagaaraha Sedarat.

Dadka ugu badan ee ku dhintay weerarka waxay ahaayeen shacab marayay wadada caanka ah ee "Chicken Street" xilli uu jiray mashquul badan, oo dadkuna ka dukaamaysanayeen goobaha Ganacsiga.

Dhismooyin dhaadheer oo goobta ku yaallay ayaa burburiyay, waxayna galaafteen nolosha dad badan oo ku dhexjiray, taasi oo badisay khasaaraha shacabka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha badan geestay, kaasi oo dowladda Afghnaistan ku tilmaamay inuu yahay "xasuuq" loo geestay dad shacab ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Khasaaraha qaraxa laga yaabaa inuu ka bato 40, maadaama ay jiraan dad badan oo soo gaarey dhaawacyo culus.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Daacish ay weerartay Xarunta hay'adda Save the Children ee magaalada Jalalabad, ee bariga dalka Afghanistan kaasi oo lagu dilay saddex qof.

Todobaadkii tagey, dagaalyahanno katirsan Taliban ayaa weerar kula wareegay Intercontinental Hotel ee magaalada Kabul, waxaana ku dhintay 18 ruux oo ay kamid ahaayeen saraakiil ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM