Afghanistan: 40 ku dhimatay qarax gilgilay Kabul

Image
Image
Image

KABUL - Ugu yaraan 40 qof ayaa ku geeriyootay, 140 kalena way ku dhaawacmeen qarax saaka oo Sabti ah gilgilay magaalada Kabul, ee caasimadda dalka Afghanistan.

Saraakiisha Booliska Kabul ayaa sheegay in qarax oo loo adeegsaday gaari Ambulance ah uu ka dhacay banaanka hore ee dhisamaha wasaaradda arrimaha gudaha, kuna dhaw fagaaraha Sedarat.

Dadka ugu badan ee ku dhintay weerarka waxay ahaayeen shacab marayay wadada caanka ah ee "Chicken Street" xilli uu jiray mashquul badan, oo dadkuna ka dukaamaysanayeen goobaha Ganacsiga.

Dhismooyin dhaadheer oo goobta ku yaallay ayaa burburiyay, waxayna galaafteen nolosha dad badan oo ku dhexjiray, taasi oo badisay khasaaraha shacabka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha badan geestay, kaasi oo dowladda Afghnaistan ku tilmaamay inuu yahay "xasuuq" loo geestay dad shacab ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Khasaaraha qaraxa laga yaabaa inuu ka bato 40, maadaama ay jiraan dad badan oo soo gaarey dhaawacyo culus.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Daacish ay weerartay Xarunta hay'adda Save the Children ee magaalada Jalalabad, ee bariga dalka Afghanistan kaasi oo lagu dilay saddex qof.

Todobaadkii tagey, dagaalyahanno katirsan Taliban ayaa weerar kula wareegay Intercontinental Hotel ee magaalada Kabul, waxaana ku dhintay 18 ruux oo ay kamid ahaayeen saraakiil ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM