​Afghanistan: Saldhigga Ciidamada Maraykanka oo la qarxiyay

Image

NATO ayaa sheegtay in 4 Askari oo u dhashay dalka Mareykanka lagu dilay weerar Dagaalyahanno katirsan Taliban ku qaadeen saldhig ku yaallo dalka Afghanistan.

Weerarka ayaa ku billowday Qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo xigay Dagaal Toos ah oo Dagaalyahanno katirsan Taliban kusoo galeen Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Bagram.

NATO ayaa xustay in 14 Askari oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ah midkii ugu waynaa ee ciidamada Mareykanku kulahaa dalka Afghanistan.

Taliban ayaa sheegatay mas'uuliyadda Weerarka saldhiga Cirka ee Bagram.

Tallaabadan, ayaa muujinaysa in xaaladda dalka Afghanistan tahay wali mid aan cago badan ku taagnayn.

Weerarka kooxdaasi ku qaaday saldhigga Ciidamada Cirka Mareykanka ee magaalada Bagram ayaa imaanaya labo sano kadib markii NATO ay si rasmi ah u joojisay howlgalka dalka Afghanistan oo billowday 2011.

Saldhiggan ayaa dhowr jeer oo hore la weeraray.

Mareykanka waxaa ka joogo dalka Afghanistan 10,000 oo Askari kuwaasi oo intooda badan ku sugan fariisinkooda  Bagram.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM