AFRICOM oo war kale kasoo saartey Askarigii looga dilay Soomaaliya

Image

NAIROBI - Afhayeenka taliska Mareykanka ee Afrika, ee loona yaqaan AFIROM, Alexander "Alex" ayaa sheegay inay baarayaan qaabka uu u dhacay weerarkii looga dilay Askarigooda ee ka dhacay tuulada Baar-sanguuni, Lixdii bishaan June.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Alexander Conrad, ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah iyo madaafiic lagu soo tuuray Saldhig ay sugnaayeen Ciidamada isku dhaf ah oo ku yaalla duleedka Kismaayo ee Jubada Hoose.

Alex ma uusan sheegin sababta kaliftay inay baaraan weerarka, laakiin warar ayaa waxay sheegaya inay jiraan Askar Soomaali ah oo wax ka ogeyd dhacdadan, ayna ka qeyb qaateen abaabulka saldhiga lagu soo weeraray.

Shakiga waxaa keenay markii la ogaadey in aysan jirin Askar Soomaali ah oo weerar wax ku noqotay, maadaama kuwa dhaawacantay oo gaareysa afar ay iyaguna ahaayeen kuwa u dhashay Mareykanka, iyo hal Askari oo Kenyana ah.

Faah-faahinta ku saabsan qaabka loo sameynayo baaritaanka wali ma cadda, iyo sidoo kale cidda sameynaysa.

Mareykanka waxaa Soomaaliya waqti xaadirkaan ka jooga in ka badan 500 oo Askar ah, kuwaasoo fuliya howgallo kala duwan oo isugu jira inay tababaro siiyaan saraakiisha Ciidaamda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyo inay fuliyaan weerarada gaarka ah.

Askarigaan Mareykanka looga dilay Soomaaliya wuxuu noqonayaa midkii labaad sanadkaan gudhiisa, maadaama bishii May ee 2018 Askari kale looga dilay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Hindiya iyo Pakistan oo Dib u Bilawday Markii la jebiyay Xabad-joojinta

Hindiya waxay sheegtay inay weerartay sagaal xero oo ay ku tilmaantay "xerooyin argagixiso" oo ku yaalla Pakistan Arbacadii.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 05:08AM

RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 09:39PM