​Agaasimihii warbaahinta Aqalka Cad oo shaqada laga Cayriyay

Image

Madaxii warbaahinta Aqalka Cad ee looga taliyo waddanka Maraykanka ayaa shaqada laga cayriyay kadib wax ka yar Toban maalmood oo uu xafiiska joogay Anthony Scaramucci.

Mas’uulkan waxaa go’aanka shaqada looga cayriyay gaaray agaasimaha cusub ee madaxtooyada Aqalka Cad, Gen John Kelly, oo xilkaasi loo dhaariyay Isniintii.

Qoraal ka yimid Madaxtooyada ayaa lagu cadeeyay in mas'uulkan shaqada laga cayriyay kadib markii uu ku kacay tallaabooyin aan loo bogin, iyadoo warar hoose sheegayaa in arrinta xilka looga qaaday uu ka dambeeyo Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump.

"Anthony Scaramucci  wuu ka tagay booskii uu ka hayay Aqalka Cad ee ahaa Agaasimaha Warbaahinta, " Sidaas waxaa yiri xoghayaha Daarta Cad Sarah Huckabee Sanders.

Ma cadda in gabi ahaan uu ka tagay Aqalka Cad mudane Scaramucci iyo arrinta ku koobantahay ka qaadista xilkii uu ka hayay Madaxtooyada.

Mar laga hadlayay sababta uu agaasimaha  shaqada uga eryay Madaxii warbaahinta waxaa lagu yiri, "Agaasimaha Aqalka Cad waxaan u rajaynaynaa guul, arrintan waa mid uu ku doonayo inuu ku dhiso kooxdiisa."

Sababaha shaqada looga eryay Anthony Scaramucci, ayaa wararku sheegayaan inay la xariirto hadal uu dhawaan siiyay Warbaahinta oo ay aad uga caroodeen madaxda waddankaas oo uu kamid yahay Madaxweyne Trump.

Majaladda New Yorker  ayaa  daabacday Khamiistii Waraysii uu bixiyay mas’uulka shaqada laga eryay taasoo uu ku aflagaadeeyay Agaasimihii hore Madaxtooyada Aqalka Cad Reince Priebus.

Haweeneyda afhayeenka u ah madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Sarah Sanders, ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu u maleynayo in hadalkii uu Scaramucci u sheegay weriyaha uusan ku habbooneyn qof booskiisa oo kale jooga.

Scaramucci mudadii gaabnayd ee uu xafiiska joogay, sidoo kale waxaa shaqada ka tagay Agaasimihii madaxtooyada Aqalka Cad Reince Priebus iyo afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer.

Labadaas mas’uul ayaa dhibsaday hab dhaqanka madaxii warbaahinta aqalka Cad ee hada shaqada laga cayriyay, kaasoo dhawaan bixiyay amaro tiro badan oo qaybtood loo arkayay inaysan ku haboonayn Aqalka Cad.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM