Amarro la dul-dhigayo Diyaaradaha tagaya Maraykanka

Image

Xogo laga helayo ilo wareedyo katirsan xukuumadda Washington ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan tallaabooyin adag oo ku aadan bad-qabka diyaaradaha uga yimaada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa.

Wararku waxay sheegayaan in qaybta mukhaabaraadka dalkaas ay wado olole lagu joojinayo in diyaaradaha waddankaas taga lagu dhex-isticmaalo aaladaha ku shaqeeya Korontada kuwaasoo la rumaysanyahay in loo adeegsan karo garaxyada.

Lama oga culayska soo siyaasaday ee kalifay in tallaabadan uu qaado Maraykanka kasoo dhawaan xanibaad dhinac socdaalka ah kusoo rogay lix waddan oo ku yaalla Bariga dhexe iyo africa.

Ka hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa dhibaato gaarsiiyay qarax waxyar un kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdishu.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka diyaaradaas.

Mukhaabaraadka USA, ayaa faray diyaaradaha tooska u taga Mareykanka ee ka yimaada siddeed dal in aysan ogolaan in lala soo fuulo qalabka korontada ku shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, DVD-ga iyo kuwa lagu ciyaaro.

Balse, shacabka ayaa wali loo ogolyahay inay diyaaradaha ku dhex-isticmaalaan taleefanadooda.

Muddo Afar maalmood ah ayay haystaan shirkadaha duulimaadyada inay ku filiyaan amarkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM