Amiir katirsan dowladda Imaaraadka oo geeriyooday

Image

ABU DHABI - Ku xigeenka Gollaha sare ee Imaaraadka, ahna ku xigeenka Maxkamadda sarre Sheikh Saud bin Saqr Al Qasimi, ayaa ku dhawaaqay in Galabnimadii Axadda uu geeryooday Amiir Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi.

Alle ha u naxriistee, Amiir Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi wuxuu ahaa maamulaha Imaaradda Sharjah ee dalka Imaaraadka.

War-saxaafadeed ayaa lagu yiri: "Maxkamada Boqortooyadda Diwan waxay ku dhawaaqeysaa Geeridda Sheikh Hamad bin Mohammed, waxaana uga tacsiyadeynayaa Ehelka iyo Asxabta.

Bayaanka ayaa lagu cadeeyay in Amiirka la aasi doono maanta oo Isniin ah, iyadoo Salaada Janaazadda lagula tukan doono Masaajid ku yaala Magaaladda Ras Al Khaimah ee dalka Imaaraadka.

Madaxda ugu sareysa Imaaraadka ayaa ka tacsiyeeyay geeridda ku timid marxuum Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi, iyagoona u rajeeyay inuu EEBE naxariistiisa Jannada siiyo.

Laakiin, war saxaafadeedka laguma sheegin sababta ka dambeysay Geeridda marxuum Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi, illaa iyo haatan ma aysan soo warin saxaafadda Imaaraadka.

Warka ayaa waxaa kaloo lagu bidhaamiyay in calanka Imaraadka hoos loo dhigi doono, islamarkaana dalka ku galayo saddex maalmood oo xishmad ah oo ka bilaabaneysa Isniinta maanta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM

Trump: “Iran iyo Israel way jebiyeen Xabad-joojintii”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayay in xabbad-joojin la ilaaliyo, isagoo tilmaamay in Iran ay sameysay waxyaabo khaldan.

  • Caalamka

    24-06-2025

  • 11:15AM