​Amiirkii hore ee dalka Qadar oo geeriyooday

Image

Amiirkii hore ee dalka Qadar, Sheekh Khalifa Bin Xamad Al-thani ayaa geeriyooday shalay oo Axad ahayd, isaga oo da'diisu tahay 84 sano jir.

Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani oo ah Amiirka hadda talada haya isla markaana ah wiil uu awoow u yahay Sheekh Khalifa ayaa saddex maalmood oo baroordiiq ah uga dhawaaqay dalkaasi.

Sheekh Khalifa ayaa xilka qabtay sanadkii 1972 kaddib markii dalkaasi uu xorriyaddiisa ka qaatay Britain waxa uuna dalkaasi xukumayay tan iyo sanadkii 1995, xilligaasi oo wiilkiisa uu afgambiyay isaga oo fasax ugu maqan dalka Switzerland.

Sheekh Khalifa ayaa diyaaradaha dagaalka ee waddamada Mareykanka, Canada iyo Faransiiska u ogolaaday in ay ka duulaan saldhigyada ciidamada cirka ee dalkiisa sanadkii 1991, xilligaasi oo dagaal lagula jiray ciidamadii Saadaam Xuseen oo qabsaday dalka Kuwait.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM