Apple oo hoos u dhigtay Tayada Taleefoonada iPhone [Akhri Sababta]

Image

Shirkadda Apple ayaa markii ugu horeysay qiratay arrin muddo laga shakisnaa, taas oo ah in ay dhinto tayada taleefoonada iPhones-ka loo yaqaano marka muddo la heysto.

Arrintan ayaa soo shaacbaxday kadib markii qof macaamiisha ka mid ah uu shabakada Reddit kusoo qoray in uu ogaaday in taleefoonkiisa tayadiisa shaqo la dhimay, taana uu ku ogaaday kadib markii uu isticmaalay taleefoon kiisa la jaan ah.

Apple waxa ay sheegtay in sababta ay u dhintay tayada taleefoonka ay tahay maadaamaa batariga taleefoonka uu daciifayo muddo kadib, taasna aysan suurtogalinaynin in taleefoonka uu si xawaare sare ah u qabto adeegyadii lagu isticmaali jiray markii uu cusbaa.
Balse dadka qaar ayaa sheegay in sababta ay tahay in Apple ay dadka ku dhiirogalinayso in ay iibsadaan jaadadka cusub ee taleefoonada.

Batariyada ku jira taleefoonada iPhone ayaa laga sameeyaa curiyaha loo yaqaano Lithium ee birta fudud ah ee midabkeedu qalinka yahay, waxaana la sheegay in markii uu muddo joogo uu dabka ka dhoco sababtuna tahay marka la kaarikeynayo.
Waxaa hadda su'aalo laga qabaa in Apple ay ahayd in macaamiisha ay kusii wargaliso tayo dhimista ay samaysay.

Waxaase jirta in haddii qofka uu badalo batariga , oo uu galiyo mid cusub, in taleefoonka uu kusoo laabanayo tayadiisii hore. Chris Green oo ah qabiir xagga tijnoolajiyadda ayaa sheegay in ay ahayd in Apple ay daahfurnaan ka samayso qalabkeed.

Rory Cellan-Jones oo ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in shirkadda Apple ay aad u xadidayso xogta ku saabsan qalabka ay soo saarto, wuxuuna intaas ku daray in la joogo xiligii shirkadda ay daacad noqon lahayd, dadkan uga digi lahayd wax kasta oo dhacaya.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM