Arday Soomaali ah oo lagu xiray Turkiga [Akhri Sababta]

Image

ISTANBUL - Booliska dalka Turkiga ayaa xabsi dhigay Tobban Arday oo u dhashay dalka Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah 16 kale oo kasoo kala jeeda dalalka Jabuuti, Guinea/Geni iyo Suuriya.

Saddex waxay u dhasheen Jabuuti, labo waxay kasoo jeedaan Guinea oo Africa kamid ah iyo mid u dhashay dalka Suuriya.

Xubnahaan ayaa waxay Booliska ku tuhmayaa inay xiriir la leeyihiin Ururka FETÖ, kaasoo dalka Turkiga mamnuuc ka ah, islamarkaana dowladdu u aqoonsan tahay inuu yahay "argigixiso".

FETO ayaa ah dhaq-dhaqaaq uu aas-aasay wadaadka Fetullah Gulen ee ku nool Mareykanka, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo afgembigii fashilmay ee 15-kii July 2016 lala damacsanaa in xukunka looga tuuro Erdoagan.

Xafiiska Xeer-illaalinta ee dalka Turkiga ayaa wuxuu sheegay in Ardaydaan ay laga soo qabtay Hoygooda, islamarkaana uu ku jiro Shaqsi ay sheegeen inuu xiriir la lahaa dadka meel ka baxsan Turkiga ku sugan.

Boolisku wuxuu intaas ku daray in Ardayda ay ku sameyn doonan baaritaan, islamarkaana waxay xaqiijiyeen inay hadda ku hayaan Saldhiga Booliska ee gobolka Mersin, ee Koonfurta dalka Turkiga.

"Waxaa kaloo jiraa xubno kale oo gaaraya Todobo kuwaasoo hadda ay Boolisku ku daba-jiraan, kana mid ah koox baaritaano ku socdaan," ayuu sarkaal ka tirsan Booliska ku daray hadalkiisa.

Fethullah Gülen, waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay Afgambigii fashilmay ee Turkiga ka dhacay 2016-kii, inkasta oo uu beeniyay eedayntaas culus ee dowladda uga timid.

Tan iyo wixii intaas ka dambeeyay dowladda Turkiga ayaa waxay waday howlgalo ka dhan dadka ay ku tuhmeyso inay wax ka ogaayeen Afgambigaas, iyagoona ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Dad Soomaaliya loo xiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM