Argagixisada Dunida oo Gaartay Heerkii u Sareeyey

Image

Argagixisada dunida ayaa sanadkii tagay gaartay heerkii ugu sarreeyey, islamarkaana rabshadaha ayaa dhaqaalaha dunida u geystay khasaare dhan 14.3 trillion oo dollar, ayada Mareykanka kaliya gaarsiisay 2.5 trillion oo khasaare ah.

Warbixin ay soo saartay hay’adda nabadda adduunkda ee Global Peace Index oo ku saabsan dagaallada, nabadda iyo ammaanka ayaa tilmaantay in nabadda dunida ay sii xumaaneysay tobankii sano ee tagay, taasi oo ay ugu wacan tahay dagaallada iyo argagixisada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa. 

Daraasadda ayaa sheegtay inay hoos u dhacan uu saameeyey horumar wanaagsan oo dunida ay ka sameeneysay xagga nabadda tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee adduunka. 

Sida ay sheegtay warbixintan, ficillada argagxisada ee sanadkiiba ayaa saddex jibaarmay tan iyo sanaddii 2011. Dhimashooyinka ka dhashay weerarada argagixiso ayaa sidoo kale sare u kacay 900% tan iyo sanaddii 2007. 

Warbixinta ayaa sheegtay in dalka Syria uu sanadkii tagay noqday kan ugu nabdda xun dunida, islamarkaana shanta dal ee ugu ficillada argagixisada badan ayaa kala noqday dalalka Iraq, Nigeria, Afghanistan, Pakistan iyo Syria.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM