Ashraf Ghani oo ku dhawaaqay Xabbad-joojin lala sameynayo Taliban

Image

KABUL - Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay xabad-joojin shuruud la'aan ah oo ay la galeen Taliban illaa iyo 20-ka bishan June, waxaana uu ku amray Ciidamada amaanka dalkiisa inay joojiyaan howlgallada ka dhanka ah Kooxdan.

Laakiin tani kuma jiraan kooxaha kale, sida Daacish oo weeraro dhiig badan uu ku daato ka fuliya dalkaan Aasiya ku yaala.

Ghani ayaa tibaaxay in dagaalka iyo rabashada Taliban aysan jiran wax faa'ido iyo guul oo ay ka helayaan, sidaas darteeda ay muhiim tahay inay nabada qaataan.

"Xabad-joojintaan waa mid fursad u ah Taliban, si ay u qiimeeyaan rabshadooda aysan guusha ku helayn, iyo astaan muujinaysa in dowladeena ay diyaar u tahay nabadda," ayuu Ghani yiri.

Go'aankan ayaa kusoo aadayaa iyadoo dhawaan goob ay ku kulmayeen Koox culimo ah oo soo saartey Fatwa ay ku macnuucayeen weerarada Taliban gaara ahaan Ismiidaaminta la beegsaday, lagana dilay 14 qof.

Illaa iyo hadda ma jirto wax jawaaba ah oo kasoo baxay Taliban, sidaasi si lamid ah ma jiro masuul kale oo ka tirsan dowlada Afghanistan, oo ku hadlay taasoo ka dhigan inaan leysku raacsaneen.

Laakiin, Janaraal Atiqullah Amarkhel oo ah taliye hore oo ciidamada Afghanistan, ayaa tilmamay in Xabad-joojintaan ay tahay mid dib umideyneysa Shacabka dalkaan.

Taliban ayaa ka dagaalamaysay Afghanistan tan iyo 1994, inkastoo ay taageerayaal dowlada dalkaan dalal Ajnabi ah, hadana awooda kooxdaan wali waa ay muuqataa, wallow guulo kooban laga gaaray.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa joojiyay howlgalkoodii Afghanistan 2014, waxaana ay dhimeen Ciidamdoodii oo inta badan laga soo qaadey dalkaasi, iyadoo ay ka joogaan tiro yar oo tababar siiya Askarta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM