​Baarayaasha oo Ku Jah-wareersan Weerarki Las Vegas

Image

WASHINGTON. D.C — Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Las Vegas Joseph Lombardo ayaa sheegay in ay rumeysanyihiin in baarayaasha ay heli doonaan sababaha keenay toogashi ugu xumeyd ka dhacda Mareykanka taariikhdan casriga ah.

Danbi-baarayaasha ayaa ku jahwareeray sababta Stephen Paddock oo ahaa 64 jir dhaqaala ahaan ladnaa isla markaana aysan diiwaanka booliska ugu jirin wax danbi ah uu si bareer ah u xasuuqo dad fara badan oo ka qeybgalayay bandhig faneed habeenkii Axada lagu qabtay magaalada Las Vegas ee dalkan Mareykanka.

Ninkani ayaa dilay 59 ruux oo uu isagu ku jiray, halka uu dhaawacay 527 ruux oo kale.

Taliye Lombardo oo Talaadadi shalay wariyaasha kula hadlay magaalada Las Vegas ayaa sheegay in Mr. Paddock uu si qorsheysan u geystay xasuuqa. Wuxuu intaasi ku daray inuu ninkani si wanaagsan u hubiyay wax walbaa oo uu sameeyay.

Ciidamada booliska ee baaritaanka wada ayaa ilaa iyo iminka soo helay 47 qori oo laga kala keenay saddex meel oo kala duwan, gaar ahaan qolki uu ninka dadka laayay ka daganaa hotelka, iyo laba guri oo uu daganaa oo ku kala yaala magaalooyinka Mesquite iyo Verdi eee gobolka Nevada.

Source: GO + VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM