Baarlamaanka Uganda oo u codeynaya muddo kordhin

Image

Baarlamaanka Uganda ayaa lagu wadaa in maanta uu cod u qaaddo in meesha laga saaro xadidaadda da'da madaxweynaha.

Dhanka kale xildhibaannada dalkaasi ayaa isku mari la' in isbedel dastuurka lagu sameeyo si loo kordhiyo muddo xileedka xubnaha baarlamaanka.

Dadka dhaliilsan in meesha laga saaro xadidaadda da'da ayaa sheegaya madaxweynaha dalkaasi Yower Museveni uu doonayo inaanu weligii xilka baneyn.

Codeynta maanta ayaa kusoo beegmaysa ayadoo xildhibaannada mucaaradka ah ee Uganda ay sheegeen in shalay ay dhismaha baarlamaanka ku sugnaayeen askar ka tirsan milateriga dalkaasi, taasina ay ku dhalisay walaac dhanka ammaanka ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka, Rebecca Kadaga, ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo eedeymahaasi.

Xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in qorshaha isbedelka loogu samaynayo dastuurka ay ku doonayaan in madaxweyne Yoweri Museveni uu u tartamo doorashada Uganda ka dhici doonta 2021-ka.

Mudanayaasha ayaa sidoo kale maantau codeyn doona in la kordhiyo mudada ay xilka hayaan, oo laga dhigo todoba sano halka ay hadda ka tahay shan sano.

Balse dadka dhaliilsan qorshahaasi ayaa sheegaya inuu muujinayo xukun jaceylka xisbiga talada haya iyo cabsida uu ka qabo doorashooyinka, sidoo kalena lagu abaalmarinayo mudanayaasha taageersan meesha ka saaridda da'da madaxweynaha.

Balse xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in muddo kordhinta ay xildhibaannada u sahlayso inay waqti wanaagsan u helaan hormarinta deegaannadooda.

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM