​Bangladesh: 20 ku dhimatay weerar makhaayad lagu qaaday

Image

Milateriga Bangladesh ayaa sheegay in labaatan qof ay ku dhinteen weerarkii xalay ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda Dhaka.

Milateriga ayaa intaa raaciyay in 6 ka mid ah kooxdii weerarka geysatay isla goobta lagu dilay.

Mid ka mid ah kooxdii weerarka fulisay ayaa noolal lagu qabtay.

Weerarkan waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Ra'iisul wasaaraha dalkaasi, Sheikh Hasina, ayaa wacad ku martay in ay dalkeeda ka tirtireyso argagixisada.

Dableyda ayaa maqaayada gashay habeennimadii Jimcaha, waxaana ay halkaasi dad ku haysteen saacado badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM