Berri waa maalinta 1aad ee Ciidul fitriga, intee bisha laga arkay?

Image

Bisha Shawaal ayaa laga arkay Fiidnimadii Khamiista dalal dhowr ah oo uu kamid yahay Sacuudiga, kuwaasi oo ku dhawaaqay in Berri oo Jimco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Gudiga aragtida Bisha ee Sacuudiga ayaa shaaciyay in Bisha ay ku arkeen Tuulo ku taalla dalkaasi oo lagu magacaabo H̨awţah Sudayr, taasi oo 140-KM dhanka waqooyiga uga beegan Riyadh.

Dalal kale oo carbeed, oo ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Qadar ayaa sidoo kale shaaciyay in maalinta Berri ah ay tahay maalinta kowaad ee Ciidul Fitriga, kuna beegan 1-da Shawaal, ee sanadkan 1439H.

Indonesia iyo Malaysia ayaa goor sii horeysay iyana sheegay inay maalinta berri ah ay Ciid tahay.

Dhamaanka Muslimiinta dunida ku nool ayay u tahay farxad, kadib markii ay guteen waajibaadka bisha Ramadan, oo ay soo soomanayeen 29-kii maalmood ee lasoo dhaafay, iyagoo ciida u dabaal-dagaya.

Ma jirto illaa hadda meel kamid ah dalka Soomaaliya, oo laga soo sheegay aragtida bisha balse magaalooyin badan oo Muqdisho ay kamid tahay masaajida ku yaalla laga shaaciyay inay berri ciid tahay.

CIID MUBAARAK.!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo La Kulmay Hogaamiyeyaasha Falastiin, Zimbabwe iyo Burkina Faso

Heshiiska xabbad-joojinta ee Ukraine ayaa la doonayaa in uu joojiyo dagaalka ka soconaya bariga Ukraine tan iyo Febraayo 2022.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 10:28AM

Putin: Diyaar baan u ahay wadahadal toos ah oo shuruud la'aan ah inaan Ukraine la galo

Si kastaba, Putin ma uusan si toos ah uga jawaabin soo jeedinta xabbad-joojinta ee ugu dambeysay ee Sabtida.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 08:01AM