Booliiska Berlin oo howlgal ka fuliyay Masaajid

Image

Booliska Jarmalka ayaa qaaday howlgal laga fuliyay magaalada Berlin kaas oo laga lala eegtay dhismayaal uu leeyahay masaajid.

Waxaa la sheegayaa in dhismayaasha uu adeegsaday Anis Camri oo ka dambeeyay weerar December lagu qaaday suuq ku yaalla Berlin.

Boolis aad u badan ayaa la geeyay guryo iyo xarumo ganacsi oo baaritaan laga sameeyay.

Hay'ad maamusho masaajid ayaa sidoo kale shaqada laga joojiyay, lana mamnuucay.

Weerarka Anis Camri lala xiriirinayo waxaa ku dhintay 11 qof ka dib markii gaari xamuul ah uu dhexgeliyay suuq. Anis ayaa lagu dilay dalka Taliyaaniga xilli uu isku deyay inuu baxsado.

Image caption Dhismayaasha waxaa lala xiriirinayaa masaajid uu si joogto ah u booqday Anis Camri Booliska waxay sheegayaan in howlgalka uu bilowday ka dib markii la amray in la xiro hay'adda oo loo yaqaano Fussilet.

Amarka hay'adaasi lagu mamnuucay ayaa soo baxay bartamihii bishan.

Hantida baaritaanka lagu sameeyay waxaa deganaa dadka maamula hay'adda, sida Booliska uu ku warramay.

Dacwad oogayaasha waxay ku doodayaan in Anis Camri uu si joogto ah u tagay masaajidka. "Xitaa maalintii weerarka wuxuu tagay masaajidka", ayey sheegeen saraakiil u hadashay waaxda dacwad oogista Jarmalka.

Waxaa masaajidka iyo hay'adda lagu eedeeyay inay xudun u ahaayeen xagjireynta iyo inay dagaalyahanno ay u qoreen ururka daacish.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay lacag u uruuriyeen ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Booliska waxay sheegeen inay kaamiro qarsoodi ah ku xirteen ka soo horjeedka masaajidka ayna halkaasi kala socdeen.

Masaajidkaasi ayaa la xiray isbuucii aanu soo dhaafnay.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM