​Booliiska Canada oo qabtay rag weeraray masaajid

Image

Booliska Canada ayaa sheegay inay gacan ku dhigeen labo qof oo lala xiriirinayo weerar ka dhacay Masjid ku yaallo magaalada Quebec, kaasi oo ay ku dhinteen Lix ruux.

Saraakiisha Booliska magaalada Quebec ayaa sheegay inuusan jirin qof saddexaad oo ka qeyb-qaatay weerarka xarunta dhaqanka Islaamka ee Masjidkaas.

Weerarka ayaa dhacay xilli dadka ay ku jireen salaada maqrib, waxaana tacshiirad ay fureen koox hubaysan naftooda ku waayay 6 kamid ah dadkii tukanayay iyadoo 8 kalena ay dhaawacmeen.

Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa cambaareeyay weerarka, oo uu ku tilmaamay mid argagaxiso, oo lagu qaadey dad Muslim ah oo aan waxba galabsan.

Dhanka kale, Justin Trudeau ayaa shaaciyay in dalkiisa uu qaabilayo dadka Muslimka ah ee uu Madaxweyne Doland Trump ka mamnuucay inay galaan dalka Mareykanka.

Dad badan oo Qaxooti Syrian ah ayaa dib u dejin looga sameeyay dalka Canada, maadaama dalkooda uu ka socdo 5 sano oo colaad ah, taasi oo kumanaan qof ay ku dhimatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM