Booliiska Iiraan oo xiray nin u eg Messi

Image

Booliis ayaa xiray Arday reer Iiraan ah oo aad ugu eg ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine Lionel Messi.

Dad badan oo ku sugan magaalada Hamaden ee dalka Iiraan ayaa doonayay in ay sawirro la galaan Reza Parastesh, booliiska ayaana isaga iyo gaarigiisiiba geeyay saldhigga si loo joojiyo jahwareerka ka dhashay dad badan oo isugu soo arruuray ninkan.

Mushkiladda ayaa billaabatay billooyin ka hor markii aabaha dhalay ninkan u eg Messi uu wiilkiisa ku qalqaaliyay in uu sawirro ku galo funaanadaha uu ku dheelo Messi ee ay dhabarka kaga qoran yihiin magaciisa iyo lambarka tobnaad ee uu ku dheelo.

Wiilkan 25 jirka ah ayaa intaas ka dibna billaabay in uu timaha u jarto sida Messi garkana sii daysto.

Wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay in ay hadda dadku u arkaan Messi-gii reer Iiraan ayna doonayaan in aan matalo waxkaste oo uu sameeyo. Marka uu meelaha tagana ay dadku aad u yaabaan.

"Waan ku faraxsanahay in aragtidayda ay ku farxaan, farxaddaas ayaana dhiirigalin badan ka helaa".

Warbaahin badan ayaa ka dalbatay in ay waraysi la yeeshaan, qandaraasyo xayaysiin dhar ayuuna helay.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu baranayo xeelado kubadeed si uu ugu sii ekaado Messi.

BBC


Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM