​Booliiska Turkiga oo xiray Shaqaale katirsan wargayska Cumhuriyet

Image

Booliska dowladda Turkiga ayaa xiray Murat Sabuncu, oo ah Tifaaftiraha guud ee Wargeyka Cumhuriyet, oo lala xiriiyo inuu u janjeero dhanka Mucaardka.

Wararka ayaa sheegaya in Booliska ay baaritoono ku sameeyeen xarunta Waregyska ee magaalada Istanbul, waxaana ay xireen 9 qof oo kamid ah Shaqaalaha.

Maxkmada ku taalla Istanbul ayaa dhawaan soo saartey amarka lagu xirayo 13 kamid ah Shaqaalaha iyo maamulka Wargeyska Cumhuriyet.

Dadka ay dowladda Turkiga amartay in lasoo xiro ayaa waxaa ku jiro, Gudoomiyaha Wargeyska Cumhuriyet, oo hadda dibad-joog ah.

Wargeyska ayaa lagu eedeeyay inuu taageero Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen, oo loo haysto inuu ka danbeeyay afgenbigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi Bishii July iyo Jabhadda PKK.

Xariga Titaaftiraha iyo Shaqaalaha Wargeyska Cumhuriyet, ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Turkiga ay dhawaan shaqada ka cayrisay 10,000 oo shaqaale dowladeed ah, oo lagu tuhmayo Afgenbiga.

Horey dowlada Turkiga waxay u xirtay 15 xaruumo Warbaahineed, oo ay uga shakisay inay la shaqeeyaan Gulen iyo kooxaha mucaaradka.

Tifaafririhii hore ee Wargeyska Cumhuriyet Can Dundar ayaa la xiray Bishii May, waxaana lagu xukumay 6 sano oo xabsi ah, kadib markii uu faafifay sirta qaranka Turkiga.

Dundar waxaa la xukumay isagoo ku maqan dalka Germany, waxaana uu sheegay in uusan ku laabanaynin Turkiga inta ay socdaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo Saxaafadda.

Tallaabadan, ayaa daba socota qorshe xukuumadda Ankara shaqada kaga joojinayso shakhsiyaadka Afganbigaas lagu tuhunsanyahay, waxaana maalintii Sabtida shaqada la eryay in kabadan 10,000 oo qof, kuwaasoo isugu jira Kalkaaliyaal Caafimaad, macallimiin iyo howl-wadeeno kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM