Booliska oo Gurigiisa kala baxay Macallin Jaamacadeed

Image

CHINA - Booliiska dowladda Shiinaha ayaa jabiyey guriga macallin hawlgab ah oo ka tirsanaa Jaamacadda Shandong oo kamid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn ee ku yaalla dalkaasi.

Macallinkan ayaa dhaleecayn u jeedin jiray dowladda oo uu sheegay inay ku xad-gudubto xuquuqda aadanaha ee Shiinaha.

Xiliga guriga lagu jabiyey macallinku waxa wareysi khadka telefoonka ah oo toos ah kula jiray telefishanka VOA-da ee afka Mandarinka oo ah afka dalka Shiinaha lagaga hadlo.

Telefishanka ayaa isku dayey inay telefoonka gacanta iyo applicationka WeChat kula xiriiro, ka dib markii macallinka gurigiisa lagala baxay habeenkii xalay ahaa.

Macallinka oo lagu magacaabo Wenguang Sun oo ku nool magaalada Jinan ee gobolka Shandong ayaa telefoonadii lagala xiriirnay aan qabanin.

Hadaladii u dambeeyey ee Professorka laga maqlo ayaa ahaa “Aragtideyda anigaa xaq u leh, iyo tani waa xoriyadeyda hadalka.”

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM