Boqor u diiday Gabar la dhalatay in ay u tartanto xilka Ra’iisul Wasaare

Image

Maha Vajiralongkorn, boqorka dalka Thailand ayaa ka hor-istaagay Gabar la dhalatay in ay u tartanto xilka ra’iisul wasaaraha dalkaasi, oo loo tartamayo bisha Maarso ee sanadkaan 2019.

Amiir Ubolratana Rajakanya, oo 67-sano jir ah, kana tirsan xisbiga Thai Raksa Chart, ayaa todobaadkii hore si lama filaan ah ugu dhawaaqday damaca uga jira jagadaasi, balse ay muuqato inaanu heli karin.

Boqor Maha ayaa sheegaya in musharaxnimada walaashiisa ay tahay mid aanan habooneen, isaga oo tibaaxay inaanu u qalmin xilkaasi.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee Thailand ayaa ku tartarsiiyay Amiirada in ay waajib ku tahay inaanu ku dhex-milmin siyaasada, oo ay ka sareyso maqaamka ay haysato oo ah Boqortooyo.

Sharciga u degan Thai ayaa xeerinaya in xubin ka tirsan qoyska Boqortooyada aanu u tartami karin jago siyaasadeed, iyada oo war kasoo baxay qoyska lagu ayiday go’aanka Guddiga doorashooyinka.

Prayut Chan-o-Cha, oo xukunka ku qabsaday afgambi, balse noqday ra’iisul wasaare ayaa mar kale iclaamiyay inuu musharax yahay doorashada qabsoomeysa 24-ka bishaan oo si wayn isha loogu hayo.

Thailand oo ah dal ku yaalla Koonfur-Bari ee qaarada Aasiya ayaa kamid ah wadamada ay wali ku dambeyso Boqortooyanimada, oo ah nidaam kasii daba go'aya dunida, balse lagu soo dhaqmi jiray sanado kahor.

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM