Burburka diyaaraddii Egyptair oo la helay

Image

Milatariga dalka Masar ayaa sheegaya in ay heleen qaybo ka mid ah burburkii diyaaradda Egyptair ee shalay ku burburtay bariga badda Mediterranean-ka.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday ciidanka qalabka sida ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in qalabkii ay siteen dadkii rakaabka ahaa ee diyaaradda saarnaa iyo qaybo ka mid ah burburka diyaaradda laga helay meel ku dhawaad 300 oo kilomitir dhanka woqooyi ka xigta xeebta dalkaasi. 

Warar hore oo sheegayay in la helay burburka diyaaraddaasi ayaa markii dambe been noqday. Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa ku wajahnayd magaalada Qaahira, waxaana saarnaa 66 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaale, waxa ayna shalay oo khamiis ahayd ay ku dhacday badda. 

Mas’uuliyiinta dalkaasi Masar ayaa sheegaya in ay aad ugu dhowdahay in diyaaraddaasi lagu soo riday fal argagixisnimo oo aysan ahayn cillad farsamo oo haleeshay diyaaradda. 

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM