Burcad hubeysan oo u dhacday Guriga Xilldhibaan caan ah

Image

NAIROBI, Kenya - Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, Tuugo ayaa waxay jabsatay Guriga Xilldhibaan John Kaguchia, oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka ee Ismaamul goboleedka Nyeri ee dalka Kenya.

Mudanaha oo sidoo kale ah Afhayeenka Gollaha Sharci-dejinta ee gobolka ayaa isaga iyo qoyskiisa ka maqnaa guriga, waxayna safar u aadeen caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Kooxihii falkaan dhaca ah geystay ayaa waxay gaarayeen illaa iyo Shan ruux, kuwaasoo ku hubeysnaa noocyadda kala duwan ee Hubka fudud, Qori, Bastooladdo iyo Faasas.

Booliska ayaa waxay baarayaan sida uu u dhacay falkaan, waxayna sheegeen inay cadaaladda hor-keeni doonan Ragga lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen Falkaan lagu jabsaday Gurriga Xilldhibaan Kaguchia.

Si dhab ah, looma ogga, mana la shaacin waxa ay tuugada kala baxeen Hoyga Xilldhibaan John Kaguchia, balse, waxaa la qiyaasayaa in Gudaha ay ku jireen Agab muhiim ah, sida Dahab iyo hanti kale.

Falalka dhaca ah ayaa waxay ka yihiin Ismaamul goboleedka Nyeri kuwa joogto ah, waxaana markii ugu dambeysay ay ahayd bishii Janaayo ee sanadkaan, markaasoo Dhac iyo Afduub laga soo sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM