Burundi oo ciidamadeeda kala baxaysa Somalia

Image

BUJUMBURA, Burundi- Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa shaaciyay in ciidankiisa qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM uu kala soo baxayo Somalia.

Pierre Nkurunziza ayaa xusay in sababta uu askartiida ka jooga Somalia ula baxayo ay tahay inay heli waayeen mudo hal sano ah Mushaarkooda, oo midowga Yurub bixin jiray.

Madaxweyne Nkurunziza ayaa tilmaamay in haddii lacagta ka maqan ciidankiisa ka howlgalaya Somalia aysan helin ilaa Bisha January ay kasoo baxayaan waddanka Somalia.

Burundi ayaa askar gaaraysa 5,500 ay ka joogaan dalka Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM, oo ka kooban 22,000 oo Askari oo ka kala yimid; Burundi, Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

Ciidamada Burundi ayaan helay mushaar 11 bilood ah, kadib markii Khilaaf xooggan soo kala dhexgalay Midowga Yurub iyo dowladda Burundi, oo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah bini'aadanimada.

Col. Gaspard Baratuza, oo ah Afhayeenka militariga Dowladda Burundi ayaa sheegay in Bishi January ay qorsheynayaan inay Saddex battalion oo Askar ah isku bedalaan howlgalka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca Midowga Yurub iyo dowladda Somalia.

Ciidamada Burundi waa askarta ugu badan Howlgalka AMISOM, marka laga soo tago dalka Uganda, oo ku dhawaad 10,000 oo askari ay ka joogan Somalia tan iyo 2007.

Midowga Yurub ayaa dowladda Burundi ku eedaysay inay geysatay denbiyo ka dhan ah Bini'aadaniamda, kuwaasi oo ka dhashay qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi tan iyo Bishii April, 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM