Caruurta Qaliinka ku dhasha oo la kulma Dhibaato dhanka Maskaxda [Daraasad]

Image

Curuurta ay dhalaan Hooyooyinka da’doodu ka sareyso 35-sano ama lagu dhaliyo Qaliinka waxay halis ugu jiraan dhibaatooyinka dhanka maskaxda ah ama inay noqdaan kuwa uusan Lixaad-koodu dhameystirneyn, sida lagu sheegay Daraasad cusub.

Cilmi-baarista oo laga sameeyay dalka Kenya ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaaday inuu jiro sare u kac carruurta curyaanimada ilmaha ku dhashay qaliinka.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu soo helay in 97 caruur oo uusan dhameen Lixaad-kooda ay ku dhasheen markii Hooyin-kooda qaliin lagu sameeyay, taasoo ka badan inta kale ee Hooyooyinka ku dhalaan sida caadiga ah.

“Waa jirta saami ka badan curuurta lixaadkooda dhameen oo ah marka ay soo Koriso Hal Hooyo taasoo ka badan kuwa ay soo Koriyeen labada waalid,” ayey tiri Darasadaan oo lagu daabacay Joornaalka Cilmi-baarista Naasnuujinta Caalamiga ah.

Daraasadaan oo la sameeyay intii u dhaxeysay Maarso iyo June ee sanadkii hore ayaa sidoo kale tilmaamaysa in tirada Haweenka ee da'doodu ay tahay mid udub dhaxaad u ah arinkan, iyadoo Gabdhuhu yihiin kuwa ka badan Raga.

Tani macnaheedu waxay tahay in curuurta ku dhalatay Qaliinka iyagoo Lixaadkoodu uusan dhamayn ay 62% yihiin Wiilal, taasoo ka sarey-siinaysa Gabdhaha.

Daraasada oo uu hogaaminayey Mathieu Nemerimana, ayaa lagu baaray sababaha aan hiddeside ahayn ee u horseedi kara dib u dhaca dhanka maskaxda ah oo carruurta ku timaada.

Kooxda Cilmi-baarista sameysay ayaa, si kastaba waxay daboolka ka qaadeen in natiijooyinka baaritaankooda aysan aheyn mid la isku halleyn karo islamarkaana u baahan baaritaan dheeraad ah, si loo xaqiijiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM