​Cayaaryahan Ethiopian ah oo mudaharaad siyaasadeed sameeyay

Image

Ciyaaryahankii Oradka Olimbigga uga qaybgalay dalka Itoobiya ayaa ku mudaaharaaday dawladdiisa markii uu sii marayay xariijinta ugu dambaysa ee oradkii Axaddii ka dhacay magaalada Rio.

Feyisa Lilesa oo galay kaalinta labaad kuna guulaystay biladda qalinka ah ayaa xariijinta ka gudbay isaga oo gacmahiisa is dhaafiyay, calaamadaas oo ay astaan u ah dadka Oromadaha oo gacan adag kala kulmay booliiska.

Lilesa ayaa ka yimid gobolka Oromada oo hoy u ah inta badan 35 milyan ee Oromada Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu calaamadaas ku celiyay markii uu bixinayay shirka jaraaid isaga oo sheegay in naftiisu ay halis gali karto haddii uu ku laabto gurigiisa.

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda waxay sheegeen in laamaha ammaanka ee Itoobiya ay dileen boqolaal dad ah todobaadyadii u dambeeyay iyaga oo isku dayaya in ay meesha ka saaraan dibadbaxyada dawladda lagaga soo horjeedo.

Isaga oo sii sharaxaya ficilkiisa Lilesa wuxuu sheegay "in dawladda Itoobiya ay dilayso dadka Oromada ah ayna qaadanayso dhulkooda iyo ilahooda dhaqaalaha sidaas daraadeed dadka Oromada ah ay banaan baxayaan isaguna uu taageersanahay maadaama uu Oromo yahay.

Waxaa la waydiiyay bal in uu ka walwalsan yahay in Guddiga caalamiga ah ee Olimbiggu ay ka mamnuucaan orodka wuxuuna ku jawaabay in uusan taas waxba ka qaban karin. Arrinta uu sameeyayna ay ahayd dareenkiisa, wuxuu sheegay in dalkiisa ay dhibaato ka jirto ayna halistahay in la mudaaharaado.

Qodobka 50-naad ee sharciga Olimbiggu wuxuu mamnuucayaa in la sameeyo ama la soo bandhigo mudaaharaad siyaasadeed, gudigaasina waxay sheegeen in ay uruurinayaan macluumaadka arrintaas la xiriira.

BBC

Related Articles

Mareykanka oo difaacay mowqifkiisa dacwada laga gudbiyay hogaanka Yahuuda

Washington ayaa sheegtay in aysan isku dhigmin kiiska laga gudbiyay Yahuuda iyo midka ka dhanka ah Ruushka.

  • Caalamka

    26-11-2024

  • 04:13AM

Maxay Tahay Sababta Israa’iil iyo Iiraan uga Baqayaan Dagaal Toos ah?

Julien Barnes-Dacey, agaasimaha Bariga Dhexe ee Golaha Yurub ee Xiriirka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:41PM