​Ciidamada Afghanistan oo ku duulay ururka Taliban

Image

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada waddankaasi duullaan ku qaadeen fariisimo ay leeyihiin mallayshiyaadka Taliban ee dagaalka kula jira xukuumadda Kabul.

Ciidamadan oo gaashaan islamarkaana weheliyaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa wararku sheegayaan inay gaareen gobolka dhaca Koonfurta dalkaas ee Helmand.

Diyaaradaha dagaalka ayaa durba bilaabay weeraro ay la beegsanayaan saldhiyada ururkaas ee ku yaalla nawaaxiga caasumadda gobolkaasi ee Lashkar Gah.

Goobaha la duqeeyay ayaa ah fariisimaha Taliban ay kasoo abaabulaan weerarada lagu qaado caasumadda gobolkaas sida mas'uuliyiinta dowladdu sheegayaan.

Warar hor dhac ayaa xusaya in dagaal xoog leh dhexmaray ciidamada Afghanistan iyo mallayshiyaad katirsan ururka Taliban.

Lashkar Gah, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad laba boqol oo kun oo qof ayaa la sheegayaa in ay go'doonsaneyd iyada oo dad badanna ay isku dayayeen in ay ka cararaan dagaalka.

Helmand ayaa ah gobolka ugu weyn ee dalka Afghanistan waxayna sidoo kale tahay meel istaraatajiyad iyo muhiimad dhaqaale leh.

Majirto ilaa hadda khasaaro la xaqiijiyay, balse goob joogayaal ku sugan nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdu u muuqato mid wata halisteeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM