​Ciidamada Iraq oo la wareegay deegaano ku dhow Mosul

Image
Image
Image
Image

Dullaan xoog leh oo ay qaadeen ciidamada dowladda Ciraaq oo taageero ka helay ku Kurdishka, Suniyiinta iyo waliba Shiicada, ayaa wararku sheegayaan inay dagaal kula wareegeen dhul lagu qiyaasay in kabadan 200KMsq.

Duqayn iyo dagaal xoog leh ayaa kasocdo magaalada Mosul oo ah goob ay ku xoogan yihii ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Qaramada Midoobay ayaa la socoto howlgalkan ay iclaamisay xukuumadda Baqdaad, waxaana magaalada la weeraray ku sugan in ka badan 1 Malyan iyo bar shacab ah.

Lama oga inta uu qaadan doono howlgalkan oo wararku sheegayaan inay ka qayb galeen diyaaradaha dagaalka ee xulafada la jirta Maraykanka.

IS, ayaa dhankeeda weerartay Taangiyo ay leeyihiin ciidamada Ciraaq iyagoo adeegsaday baabuur lagasoo buuxiyay walxaha qarxa

Wariyaasha ku sugan jiida hore, ayaa sheegay in ka yar 40KM in ciidamada huwanta ah u jiraan duleedka magaalada Mosul.

Isuduwaha arrimaha Gar-gaarka ee Qaramada Midoobay ee dalka Ciraaq, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku howllanyihiin sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka kasoo cararaya colaaddaha ka taagan waddankaasi.

Daacish, aya saddexdii bilood ee ugu dambaysay lumisay dhul aad u wayn, waxaana sii wiiqmaysay xooggii ay ku lahayd bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM