​Ciidamada Mareykanka oo shacab ku dilay Afghanistan

Image

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalaya dalka Afghanistan ayaa la sheegay inay dileen 3 qof oo shacab ah kadib markii Koonyo ay wateen lagu weeraray gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha gobolka Nangarhar Attaullah Khogyani ayaa sheegay in Ciidanka Mareykanka ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ka ag dhawaa goobta lagu weeraray.

Shacabka ku dhintey rasaas ay rideen ciidamada Mareykanka ayaa kala ahaa aabe iyo labo wiil uu dhalay, kuwaasi oo ku noolaa degmo ku dhaw Xadka Pakistan.

Taliska Militariga Mareykanka ee Afghanistan ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadaasi dadka shacabka ah ay ku dhinteen.

Ciidamada Mareyknka ee ka howlgala dalkaasi Afghanistan ayaa lagu eedeeyay dhowr jeer oo hore inay si ula kac ah u dileen dad aan waxba galabsan.

Bishii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sheegay inuu 3000 ilaa 5000 oo askari oo dheeraad ah ku kordhinyayo ciidamadiisa ka jooga dalka Afghanistan.

Howlgalka NATO ee Afghanistan ayaa lasoo afjaray 2014-kii, balse wali waxaa jira ciidamo reer galbeed ah oo dalkaaski ku sugan, kuwaasi oo dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jirta Xoogaga Mintidiinta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM