Ciidamada Suuriya oo Xasuuq Ka Gaystey Barriga Magalaada Ghouta

Image
Image

Weeraro arxandaro ah oo ay la socdaan duqeymo cirka ah iyo madaafiicda goobta ayaa diley 250 qof labadii maalmood ee lasoo dhaafey. 


Duqeymo dhinaca madaafiicda ah oo socdey ilaa maalintii shaley ayaa Dad Boqol kor u dhaafaya ku diley Barriga magaalada go’doonka ah ee Ghouta ee dalka Suuriya taasoo gaarsiisey dhimashada labadii maalmood ee lasoo dhaafey 250 shacab ah.

Waxay aheyd dhimashadii ugu badneyd ee ka dhacda magaaladaan go’doonka ah tan iyo intii 2013 Dowlada Suuriya ku weerartay Ghouta hubka sunta xambaarsan.

Koox la socota dagaalka Suuriya oo fadhigeedu yahay wadanka Ingriiska ayaa sheegtey in maalinimadii Talaadada duqeymahaan lagu diley 106 qof.

Weeraradaan qaarkood oo diley qaar kamid ah dadkaas ayaa lala beegsadey 6 Isbitaal halka 3 kamid ah bubureen sidaas waxaa sheegey Qaramada Midoobey.

Madaafiicda laga ridayo qoryaha culculus ayaa waxay khalkhal galiyeen dadka dagan magalaada Damascus sidaas waxaa saxaafada u sheegey wariye ku sugan goobaha duqeymahaan lala beegsanayo.

Dadka dagan magaaladaan ayaa sheegey ineysan jirin wax calaamad ah oo Nolol ah iyadoo shacabka Ghouta oo gaaraya 400,000 ka dhamaadeen waxyaaabihii daruuriga ahaa sida raashinka iyo Daawada.

Duqeymahaan oo bilowdey Axadii ayaa hordhac u ah weerar dhinaca dhulka ah ay ciidamada Suuriya qorsheynayaan in Barriga Ghouta ku soo qaadaan sidaas waxaa yiri urur fadhigiisu yahay London kasoo la socda xaalada dalkaas.

Ghouta oo ku taal Barriga magaalada Damascus ayaa ah goobta ugu dambeysa ee ku hartey gacanta xoogaga mucaaradka dalka Suuriya halkaas oo ciidmada Bashal Al-Asad go’doominayeen tan iyo sanadkii 2013.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM