Ciidamada Turkiga oo sheegey iney la wareegeen awooda dalkaas

Image
Image
Image

ISTANBUL-  Ciidamada Turkiga ayaa sheegey in maalimadii Jimcaha la wareegeen awooda dalkaas, halka RW dalkaas yiri inqilaabkaan waxaa uu ahaa isku day fashilmey.

Ciidamada dalkaas ayaa la wareegey garoonka diyaardaha ugu weyn dalka Turkiga, xarunta talefishinka iyo labada buundo ee ugu weyn magaalada Istanbul Bosphorus iyo Fatih Sultan Mehmet.

Ciidamada ayaa talefishinka dalkaas ka sheegey iney wadanka qabsadeen islamarkaana dib u soo celinayaan Dastuurkii iyo dimoqaraadiyadii dalka ka jirtey.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa Talefishin gaar loo leeyahay kala soo hadley taleefinkiisa " FaceTime" isaga oo dadka ka codsadey in dadka jidadka isugu soo baxaan oo diidaan inqilaabka Ciidamada.

Wararka kasoo kordha inqilaabka kala Riix Halkaan 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM