​Ciraaq: Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Baqdaad

Image

BAQDAAD- Booliiska magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay dhimashada in kabada siddeed ruux iyo dhaawaca 20 kale oo ay ku jiraan xubno katirsan Boliiska magaaladaasi xilli uu weerar fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa.

Weerarka ayaa ka dhacay  degmada Kadhimiyah oo ah goob ay ku badanyihiin shiicada, waxaana lala beegsaday bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo Booliis ah sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka.

Dadka dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa Kadhimiya hospital, waxaana la sheegay in xaaladda dadka qaybtiis aad u liidato.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi ka dhacay Koonfur Galbeed magaalada Baqdaad.

Baqdaad ayaa xarun u noqotay weeraro iyo qaraxyo ay fulinayaan kooxda isku magacowada khilaafada Islaamiga ah, waxaana weeraro dhacay 03 July ku dhintay in kabadan 300 oo ruux kaasoo noqday midkii ugu xumaa tan iyo 2003 markaasoo dalka Ciraaq galeen ciidamada Maraykanka.

Qaramada Midoobay ayaa caddeysay in sannadkan gudahiisa dalka Ciraaq lagu dilay in kabadan 3,000 shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM