​Clinton oo noqotay murashaxa xisbiga Dimuqraadiga

Image

Xoghayihii hore Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ayaa xisbiga Dimuqraadiga waddankaasi u doortay inay noqoto murashaxa madaxweynaha ee matalaya doorashada dhacaysa bisha November ee sannadkna 2016.

Shir-weynaha xisbigaasi ayaa lagu shaaciyay in Hillary Clinton tahay ruuxa ay wakiisheen iyadoo kasoo adkaatay ninka laloolamayay Vermont Bernie Sanders.

Senotar Sanders oo kula tartamey doorashada xisbiga dhexdiisa aheyd, waxa uu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.

Arrintan ayaa noqotay taageero lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is reereebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.

Xisbigan ayaa muujiyay taageero iyo isku xirnaan buuxda waxayna sheegeen in mowqifkoodu yahay sidii ay madaxtinimada waddanka mar labaad u hanan lahaayeen.

Bill Clinton sayga murashax Hillary ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada afadiisa isagoo tilmaamay inay u qalabto jagada loo igmada isagoo intaasi ku daray in wax ka dhacay shirweynaha xisbiga uu yahay arrin taariikhi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM