Codaynta doroashada Maraykanka oo socota

Image

WASHINTONG, USA- Dad ku dhaqan dalka Maraykanka, ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ugu codeeyaan murashaxiinta labada ah ee ka kala socda Xisbiyada dalkaas ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Tuulada lagu magacaabo Dixville Notch oo ku taal gobalka New Hamshire, ayay ka bilaabatay cod-bixintu, waxaana dhiibtay 8 qof oo halkaas ka diinwaangashan.

Goobtaas ayaa caado ah in doorashada laga bilaabo, waxaana 4 ka mid ah u codaysay Hillary Clinton, 2 kalena waxay siiyeen codkooda Trump, hal qofna labadaasba uma codayna, ruux Sideedaadna, waxaa la sheegay inuu maqnaa.

Ololaha doorashada madaxtinimada Maraykanka ee 2016 ayaa soo geba gaboobay. Labada musharrax ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa isu soo baxoodii ugu dambeeyay sameeyay saacadihii hore ee maanta oo ay doorashadu dhacayso.

Donald Trump ayaa u sheegay taageerayaashiisa in uu usoo bandhigayo fursad taariikhi ah oo uu ku bedelayo siyaasada Maraykanka, isla markaana uu kusoo celinayo daacadnimada dowladda dalkaasi.

Hillary Clinton ayaa waxyar ku horeysa ra'yi ururin laga qaaday qeyb ka mid ah codbixiyayaasha dalkaasi, waxaana ay sheegtay in Maraykanka uu hadda u baahan yahay isu soo dhaweyn, balse aanu rabin gidaaro lagu kala qeybiyo.

Gobollada iyo dagmooyinka kale ee waddankaas, ayaa goordhow la furi doonaa goobaha cod-bixinta inkastoo qaybo badan hadda furanyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM