Cunaqabateyn la saaray North Korea

Image

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aan kala har lahayn waxa uu ugu codeeyay in cunaqabateyn adag lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi.

Qaraarka ayaa looga jawaabayay tijaabadii lixaad uguna awoodda badneyd ee hubka nukliyeerka, hasayeeshee cunaqabateynta lagu soo rogay Pyongyang kuma ay jirto xayiraad dhanka shidaalka ah, taas oo markii hore uu soo jeediyay Mareykanku.

Cunaqabateyntan cusub ayaa waxaa ka mid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda qayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang.

Hasayeeshee taasi waxa ay wax badan ka hoosaysaa aragtidii aheyd in gebi ahaanba la jaro saadka shidaalka ee ay Kuuriyada Waqooyi hesho.

Qaraarkan jilicsan ayaa ka dhigan in culeyskii loo baahnaa aanay ku kordhin cunaqabateynta saarneyd dalkaasi saarneyd taas oo uu Mareykanku soo jeediyay inay noqoto midda ugu xooggan.

Qaraarkan dib u eegista lagu sameeyay ayaa yimid kaddib markii ay wadahadallo yeesheen dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain iyo Faransiiska.

Sidoo kale qaraarkan waxaa uu fursad siinayaa wax u muuqan kara in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo liiska xayiraadda lagu daraayo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un iyo shirkadda diyaaradaha ee qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Haddaba safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Hayley, ayaa aheyd qofkii ugu horreeyay ee hadlay markii cunaqabateynta codka loo qaaday, waxaanay sheegtay in Mareykanku uu sameyn doono waxkasta oo uu Kuuriyada Waqooyi kaga joojin karo inay wax khaldan sameyso.

Dhanka kale bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Pyongyang ka hor inta uusan Golaha Ammaanku codka u qaadin cunaqabateynta ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu "qiimaha u dhigma" ka heli doono cunaqabateyntan uu dabada ka riixayo.

Waa qaraarkii sagaalaad oo si aan kala har lahayn ay isugu raaceen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tan iyo 2006 markaas oo si tartartiib ah loo ballaariyay cunaqateynta saaran Kuuriyada Waqooyi ee ka dhanka ah gantaalladeeda ridada dheer iyo barnaamijkeeda Nukliyeerka.

GO + BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM