​Daacish oo dad shacab ah ku dishay Masar

Image

Warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay in Daacish ay 16 ruux oo shacab ku dishay waqooyiga gobolka Siinaay, oo uu ka socdo dagaallo mudo 3 sano ah.

Dadka Daacish laysay, waxay ku eedaysay inay la shaqeynayeen ciidamada militariga Masar oo howlgal ka dhan ah Kooxaha Mintidiinta kawada gobolka Siinaay.

Dowladda Masar ayaa xaalad Deg Deg ah kusoo rogtay gobolka Siinaay October, 2014, kadib weerar lagu dilay 33 qof oo ka dhacay gobolkaasi kaasoo mas'uuliyadiisa sheegatay Daacish.

Militariga iyo Booliska Masar ayaa 2015 Howlgal ka billaabay Siinaay, si ay meesha uga saaraan weerarada Daacish ee ka dhanka ah saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin gobolkaasi.

Boqolaal Askari oo katirsanaa ciidamada amniga Masar ayaa lagu dilay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay qeybo kala duwan dalka Masar saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

Masar ayaa waxaa la degay jahwareer siyaasadeed iyo amni darro wixii ka dambeeyay markii uu Jen Cabdifitaax Al Siisi uu awood military xukunka ugula wareegay Maxa'ed Morsi sanadkii 2013-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM