Daacish oo laga saarey magaalo ku taal Bariga Liibiya
Ciidamada dowladda Liibiya ayaa Daacish ka saarey magaalo ku taalla Bariga dalkaasi, oo mudo labo bilood ah ay ka socdeen dagaallo xooggan.
Afhayeen u hadlay dowladda Liibiya ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Ganfouda, oo 15KM galbeed uga beegan Benghazi.
Libya waxay sidoo kale tilmaamtay in Daacish iyo Al Qaeda laga saari doono guud ahaan wadankaasi, sidoo kalena kusoo celin doonto sharciga iyo kala dambaynta.
Tan iyo markii la afgenbiyay Col Mucamar Al Qadaafi 2012, waxaa Libya ka taagan dagaallo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan dowladdo iska soo horjeeda oo dalkaasi looga dhawaaqay iyo Daacish.
QM ayaa sheegtay in dhibacyada dalkaasi isku raaceen inay dhisaan dowlado ay u dhan yihiin, si dalkaasi looga badbaadiyo dagaal sokeeye iyo amni darro.
GAROWEONLINE