​Dab la qabadsiiyay xarunta Barlamanka Gabon

Image

Mucaaradka dalka Gabo oo si aad ah uga caraysan natiijadii kasoo baxday doorashiid dhacday maalintii Sabtida ayaa dab qabadsiiyay xarunta Barlamanka dalkaasi, waxaana gabi ahaanb holacday dhismaha golaha shacabka iyadoo falkaasi ay fuliyeen taageerayaasha xisbiga uu hogaamiyo Jean Pin.

Rabshado xooggan ayaa dalkaasi kasocda, waxaana laamaha ammaanka caasimadda Libreville ku dadaalayaan sidii loo hakin lahaa carada ka dhalatay dib u doorashada madaxweynaha dalkaasi Cali Bongo.

Falka lagu gubay xarunta Barlamanka dalka Gabon ayaa dhacay xalay saq dhexe, waxaana sawirro laga baahiyay warbaahinta gudaha la arkayay qiiq iyo dab sare u kacay oo ka muuqda xaruntaasi.

Mr Bongo ayaa la sheegay in uu codad ka yar 600 oo kun kaga adkaaday Mr Ping, ayadoo gobolka uu madaxweynaha kasoo jeedo uu u codeeyay ku dhawaad 100%.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa quud-darraynayay in sannadkan ku guulaysan doonaan talada dalkaas ee waqtiga dheer soo xukumayeen qoyska Bongo.

Dalka Gabon ayaa shidaalka qaniga ku ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM