​Dad isku qoys ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Yemen

Image

Ugu yaraan 20 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah oo Diyaaradaha Xulufada Khaliijka ay ka fuliyeen koonfurta dalka Yemen.

QM ayaa sheegtay in dadkan ay ku jiraan dhowr qof oo hal qoys kasoo wada jeeda, kuwaasi oo ku dhintey gantaallo ay diyaaradaha hawanta ah ku garaaceen deegaanno dad shacab ah ay degan yihiin oo ku yaalla koonfur galbeed ee gobolka Ticiz.

UNHCR ayaa soo saartey war saxaafadeed ay ku sheegtay inay aad uga xun tahay khasaaraha shacabka kasoo gaarey duqeymaha Yemen, waxayna ugu baaqdey Sacuudiga iyo Xulufadiisa inay baaritaan ku sameeyaan weerarka.

Dadka ku dhintey duqeynta ayaa waxay ahaayeen barakacayaal kasoo cararay dagaalka magaalada Mokha oo isla gobolka Ticiz ku taalla, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada wadamada Khaliijka iyo xoogaga xuutiyiinta shiicada ah.

Wali ma jirto war kasoo baxay xulufada khaliijka oo ku aadan duqeynta shacabka lagu dilay.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaal tan iyo 2015 kaasi oo billowday markii ay xuutiyiinta la wareegeen awooda dowladdii Madaxweyne Abedrabbo Mansour Hadi, oo aad ay u taageeraan wadamada khaliijka carabta.

Hay'adda Caafimaadka aduunka ee QM WHO ayaa sheegtay in 8,000 oo qof lagu dilay colaadda ka socota Yemen, kuwaasi oo u badan shacab, iyadoo malaayiin kalena ay ka carareen dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM