Dad ku dhintay weerar ka dhacay Mandheera

Image

MANDHERA, Somalia - Ugu yaraan Labo caruur ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen qarax culus oo ka dhacay magaalada Mandheera oo dhacda xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

David Mbeki oo ah Sarkaal katirsan maamulka Mandheera ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa uu ahaa mid ka dhashay miino lagu aasay xaafad lagu magacaabo Hareeralesa.

Sarkaalka wuxuu tilmaamay in mid kamid ah caruurta uu goobta ku dhintay, halka midka kale uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkaas.

Ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa gaarey goobta iyagoo sameeyay baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Saraakiisha amniga Mandheera ayaa farta ku fiiqay Al Shabaab, oo inta badan weeraro ka fuliyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Kenya ayaa Bandow kusoo rogtay saddex bilood kahor magaalada Mandheera, waxayna ciidan badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Somalia, gaar ahaan Mandheera iyo Lamu.

Weerarada Al shabaab ee Kenya ayaa saameeyay Dalxiiska, oo kamid ah Illaha ugu waaweyn ee Dhaqaalaha dalkaasi, wuxuu ka dambeeyay markii KDF soo galeen Somalia 2011.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM