Dad ku dhintay weerar ka dhacay Mandheera

Image

MANDHERA, Somalia - Ugu yaraan Labo caruur ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen qarax culus oo ka dhacay magaalada Mandheera oo dhacda xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

David Mbeki oo ah Sarkaal katirsan maamulka Mandheera ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa uu ahaa mid ka dhashay miino lagu aasay xaafad lagu magacaabo Hareeralesa.

Sarkaalka wuxuu tilmaamay in mid kamid ah caruurta uu goobta ku dhintay, halka midka kale uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkaas.

Ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa gaarey goobta iyagoo sameeyay baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Saraakiisha amniga Mandheera ayaa farta ku fiiqay Al Shabaab, oo inta badan weeraro ka fuliyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Kenya ayaa Bandow kusoo rogtay saddex bilood kahor magaalada Mandheera, waxayna ciidan badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Somalia, gaar ahaan Mandheera iyo Lamu.

Weerarada Al shabaab ee Kenya ayaa saameeyay Dalxiiska, oo kamid ah Illaha ugu waaweyn ee Dhaqaalaha dalkaasi, wuxuu ka dambeeyay markii KDF soo galeen Somalia 2011.

 GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM