​Dad Somaliyeed oo u qaxay dalka Canada

Image

Tan iyo markii Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump uu soo rogay amar ka dhan ah Qaxootiga, waxaa soo kordhaya culayska saaran Somalida ee ay ka qabaan in dib loogu celiyo Somalia.

Qorshahan wuxuu si gooni ah u taabtay dhalinyarada oo qaybtood qaab tahriib ah ku tagay dalkaas.

Balse rajadoodu waxay soo noqotay markii Ra'isal wasaaraha Canada uu ku baaqay in lasoo dhaweynayo qaxootiga.

Taasi waxay keentay in dad badan ka tallaabaan xadka labada waddan si ay uga bad-baadan in lagu celiyo waddankooda hooyo oo ay ka jirto xaalad adag oo amni darro iyo Abaar isugu jirta.

Hadda waxaa Canada gaaray boqolaal kamid ah dad horay ugu nolaa magaalooyinka waaweyne ee USA.

Xuseen Axmed oo kamid ah dhalinyarada tagay Canada ee ka cararay amarka Donald Trump, ayaa BBC u xaqiijiyay inay ka carareen Maraykanka.

"Waxaan ahayn dad megengelyo doon ah oo dhibaato kaga soo cararay dalkooda. Dalka Mareykanka ayaan tagnay. Isma lahayn dal aad megengelyo u tagtay baad dhibaato kale kaga cararidoontaa."

"Dadkii tahriibka dhanka Latiin Amerika kaga soo galay ayaan ka mid ahaa. Mareykan ayaan iska dhiibay, muddo seddax bilood oo aan xabsi ku jiray ka dib, waa la isoo daayay. Bannaanka ayey dacwaddeyda ka billaabatay,"Sidaas waxaa hadalkiisa ku taray Axmed.

Xuseen Axmed ayaa sidoo kale sheegay, "Markii Donald Trump uu xilka la wareegay, cabsi aan ka qabay amarradiisa ayaan uga soo cararay. Minneapolis ayaan kasoo qaxnay".

Amarkan ayaa dood badan dhaliyay, balse wuxuu Maraykanku ku adkaysanaa inuu fuliyo hadafkiisa waloow ay jiraan xubno garsoorayaal ah oo diidan tallaabada Trump.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM