​Dadka ka qaxay dagaalka Mosul oo gaaray Suuriya

Image

Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobeey waxay sheegeysaa in inkabadan 900 oo qof ay ka qexeen magaalada Moosil ee dalka Ciraaq.

Dadkaasi ayey hay'adda sheegtay inay ka gudbeen xuduudda Ciraaq ay la wadaagto dalka Suuriya.

Waa markii ugu horeysay ee la xaqiijiyo in dad badan ay ka qaxayaan Moosil tan iyo markii ciidamada Ciraaq ay bilaabeen inay ku sii dhowaadaan magaalada.

Dowladda Ciraaq oo garab ka heleysa Mareykanka iyo Kurdiyiinta ayaa waxa ay dooneysaa in magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq ay ka qabsato Daacish.

Boqollaal qof oo kale ayaa waxay u qexeen meelaha ay qabsadeen ciidamada dowladda CiraaqImage copyrightAP

Boqollaal qof oo kale ayaa waxay u qexeen meelaha ay qabsadeen ciidamada dowladda Ciraaq

Moosil waa meesha ay ugu xoogga badan yihiin ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee dalka Ciraaq, halkaas oo laba sano ka hor ay qabsadeen.

Howlgalka lagu qabsanayo Moosil ayaa hadda la sheegayaa inuu gaabis ku socdo.

Ololahan ayaa socda maalintii sedaxaad. Moosil waxaa ku hareereysan ciidamo gaaraya illaa 30 kun oo askeri.

Ciidamada Ciraaq oo dhanka Koofureed kaga duulay magaalada waxay ku hakadeen deegaano ay shacab badan ku nool yihiin.

Kurdiyiinta Peshmerga oo dhanka Bariga iyo Waqooyiga Moosil ku sugan waxay adkeynayaan amniga goobaha ay qabsadeen.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM