Dagaalka Ganacsiga Mareykanka iyo Shiinaha oo cirka isku shareeray

Image

WASHINGTON — Canshuur kordhin dhinaca wax soo saarka ah oo ay isugu jawaabeen dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, oo ah kuwa ugu dhaqaalaha badan caalamka, ayaa maanta oo Khamiis ah dhaqan galay.

Mareykanka ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay in tariifo dhan 25% uu saarayo qaar ka mid ah badeecadda uu Shiinaha usoo dhaafiyo dalkaan Mareykanka. Canshuur kordhintan ayuu Mareykanka ka faa’iidi doonaa 16 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Waxaa ka horreysay tacriif kale oo uu maamulka madaxweyne Trump sidaas oo kale u dul dhigay wax soo saarka Shiinaha bishii July. Tacriiftaasi ayaa iyana aheyd 25 boqolkiiba wax soo saarka Shiinaha uu u soo dhoofiyo Mareykanka.

Dowladda Shiinaha ayaa labaduba ugu jawaabtay iyaduna canshuur kordhin 25 boqolkiiba ah oo ay dul dhigtay badeecadaha ay shirkadaha Mareykanka u iibgeeyaan Shiinaha.

Bayaan kasoo baxay maanta Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa lagu cambaareeyay tacriifaha uu Mareykanka saaray Shiinaha. Wasaaradda ayaa tallaabadaasi ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah xeerarka Ururka Ganacsiga Aduunka.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in ay qaadeyso tallaabo dhinaca sahrciga ah oo ay u mari doonto Ururka Ganacsiga Aduunka.

Dhaqanka galka tariifada cusub ee ay isku rogeen labada dal ayaa kusoo beegmay maalin kadib marki wufuud ka kala socota Shiinaha iyo Mareykanka ay ku kulmeen Washington, si ay u xaliyaan muranka dhinaca ganacsiga ah ee labada waddan.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM