Dagaalka Xalab oo dhamaaday : 'Mucaaradka ayaa baxaya' ayuu sheegay safiirka Ruushka
Kumanaan rayid ah ayaa isku dayaya inay ka baxaan magaaladaMa cada in heshiiska uu qayb ka yahay dadka rayidka oo kumanaan ay ku xayiran yihiin meesha dagaalka uu ka socdo.
Mucaaradka ayaa laga guulaysan doonaa magaalada, kadib markii ay dowladda qaaday weerar wayn ee ay taageereen diyaaradaha Ruushka. Heshiiska ayaa yimid kadib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay ciidamada dowladda inay dileen dad.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda bini'aadanka, ayaa sheegay inay hayso cadaymo lagu kalsoon yahay in afar meelood lagu dilay 82 qof oo rayid ah, iyadoo ay suurto gal tahay dad intaa ka badan in la dilay.
Safiirka Ruushka, Vitaly Churkin, ayaa sheegay in bixitaanka mucaaradka ay ee magaalada ay dhici karto saacado gudaheed, laakiin dadka rayidka inaysan ku jirin.
"Heshiiska waa in dagaalyahanada ay ka baxaan " ayuu yiri. "Rayidka waa joogi karaan, waxay tagi karaan meelo ammaan ah, waxay ka faa'idaysan karaangargaarka bini'aadanimo ee la bixinayo. Qofna wax ma yeeli doono rayadka."
Mucaaradka ayaa xaqiijiyay heshiiska, laakiin ku taliyay in rayidka lagu dari doono heshiiska.
Dadka degan galbeedka Xalab ayaa u dabaal degay in dowladda ay guul ka gaarayso bariga magaalada Xalab
Siday tahay xaalada meelaha mucaaradka ay joogaan ?
Milatariga Ruushka ayaa sheegay in 98% magaalada ay hadda gacanta ugu jirto dowladda.
Mucaaradka ayaa hadda haysta oo kaliya xaafado yar,oo ay ku jiraan Sukkari iyo Mashhad.
Way adag tahay in la ogaado inta qof ee joogta goobta dagaalka uu ka socdo, laakiin masuul Maraykan ah oo og dadka la isku dayayo in loo helo jid ammaan ah magaalada ayaa BBC u sheegay inay joogaan ilaa 50,000 oo qof.
Dad kale oo goobta jooga ayaa sheegay inay jiraan ilaa 100,000, iyadoo dad ay dhawaan ka imaadeen meelaha ay qabsatay dowladda.
Unicef ayaa soo xiagatay dhaqtar magaalada oo dhahay:
"Carruur badan oo gaari karta in kabadan 100, oo kaligood ah, ama reerkooda ay kala lumeen,inay ku xayiran yihiin dhismo weerar ka socdo bariga Xalab".
Ibrahim abu-Laith, oo ah afhayeenka White Helmets ee iskood u badbaadiya dadka, ayaa sheegay in 90% qalabkooda aysan shaqayneen iyo in hal xarun caafimaad oo kaliya ay ka shaqaynayso goobta dagaalka uu ka socdo.
Wuxuu sheegay dadka iskood wax u badbaadinaya inay isticmaalayaan gacmahooda si ay dadka uga soo bixiyaan burburka, laakiin 70 qof ay wali ku jiraan burburka oo laga soo bixin waayay.
Xigasho: BBC