Dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka oo Iskaashi gooni ah ku dhawaaqey

Image

Imraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa ku dhawaaqey iney sameysteen iskaashi ciidan iyo ganacsi kaasoo dibada ka ahaan doona midka ay la wadageen dalalka Khaliijka (GCC), sidaas waxaa warsaxafadeed ku soo saarey wadanka Imaraadka Carabta.

Warkaan ayaa soo baxay maalinamadii Talaadada xilli meeshii ugu hoseysay uu marayo xiriirka lixda wadan ee ku bahoobey Iskaashiga Khaliijka kuwasoo kala ah; Sucuudiga, Qadar, Baxreyn, Cumaan, imaraadka Carabta iyo Kuwiat.

Warsaxadeedkaan kasoo baxey wasiirka arimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegey in la magacaabey guddi ka wada shaqeeya islamarkaana xiriir ka sameeya arimaha ciidamada, siyaasada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhaqanka labada wadan ee Imaraadka iyo Sucuudiga 

Dowlada Sucuudiga weli wax war ah kama saarin iskaashigaan cusub ee dhexmaray labada wadan

Dhinaca kale waxaa maalin ka hor soo dhamaadey kulankii wadanka Kuwait uga socdey Lixda wadan ee Khaliijka (GCC) iyadoo aheyd in maalinta Arbacada soo dhamaado, halka wufuudo ka socotey dalalkaas ambabaxdey.

Kulankaan Kuwait ayaa qabsoomey Lix bilood kadib markii Sadex wadan oo ka tirsan Isbaheysiga Khaliijka cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogeen wadanka Qadar.
 
Dalka Baxreyn ayaa kulankaan u soo direy wafdi heer hoose ah oo uu hogaaminayo ku-xigeenka ra'isal wasaaraha halka dalka Sucuudiga wakiil uu ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Adel al-Jubeir iyadoo qoyska reer boqor aysan soo xaadirin kulankaan.
 
Dalka Qadar ayaa kulankaan waxaa u matalayey Amiirka dalkaas Shiikh Tamim bin Hamad al Thani halka madaxda sadexda wadan ee cunaqabateynta ku soo rogey Doha aysan imaan Kuwait.
 
Talaabadaan ayaa waji-gabax ku aheyd Amiirka dalkaas oo horey ugu guuldareystey inuu xaliyo khilaafka soo kala dhexgaley wadamada ka tirsan iskaashiga Khaliijka.
 
Ajendaha shirka ayaan la shaacin iyadoo la maleynayey in qodobka ugu muhiimsan uu ahaa sidii khilaafkaan loo soo afjari lahaa.
 
 
 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM