Dalka Ethiopia oo ogolaadey heshiiska Nabada ee Xuduuda Badme

Image

ADDIS ABABA- Dalka Ethiopia ayaa Talaadadii ogolaadey inuu aqbalo heshiis sanadkii 2000 laga gaarey khilaafka ka taagnaa xuduudka uu la leeyahay dalka Eritrea, taasoo noqotey talaabo horey loo qaadey tan iyo intii wadamada Afrika ka xoroobeen Gumeystaha.

Qoraal ka soo baxey xisbiga talada dalka Ethiopia haya, oo ah wadanka Labaad ee ugu dadka badan Afrika, ayaa lagu sheegey in si buuxda u aqbaleen iney fuliyaan heshiiskii ay la galeen Eritrea sanadkii 2000 balse aan lagu dhaqmin waligeed.

" Dalka Eritrea waa inuu qaataa go'aan lamid ah kan Ethiopia isagoo aan wax shuruud kale ku xirin baaqeena, si dib loogu soo celiyo nabadii ka dhexeyn jirtey labadaan dal ee walaalaha ah." sidaas waxaa yiri qoraal ku sheegey xisbiga talada haya.

Labadaan dal ayaa dagaalamay 1998 ilaa 2000 muran dhinac xuduudaha, waxaana isaga dhintey 80,000 qof. Waxay saxiixeen heshiis sanadkii 2000 balse dalka Ethiopia waligii ma aqoonsan guddigii loo xilsaarey iney go'aanka ka soo gaaraan khilaafkaan.

Muranka xuduudaha u dhexeeya labadaan dal ayaa noqdey mid dad badan ku dhintaan kaasoo loo arkey inuu ahaa mid diplomaasiyeed in muddo ah.

Ra'isal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Axmad ayaa markii xilkaan loo dhaarinayey balan qaadey inuu xalin doono khilaafka xuduudka ee u dhexeeya dalka Eritrea.

Dalka Ethiopia ayaa sababta ugu weyn ee uu diidanaa heshiiskaan waxay aheyd iney ka baxaan magaalada Badme.

Dhinaca kale dad la socda siyaasada gobolka ayaa qaba sababta Ra'isal wasaaraha cusub u qaatey go'aankaan iney tahay in dalka Eritrea joojiyo tageero uu siiyo qaar ka tirsan jabhadaha mucaaradka ee siyaasiyan kasoo horjeeda nidaamka dowladeed ee dalkiisa.

Ma cadda sida dalka Eritrea uga jawaabi doono hadalka ka soo baxey dowlada Ethiopia balse waxay u muuqataa in Addis Ababa muujisay sida ay u dooneyso in la xaliyo khilaafkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM