Dalka Kenya oo qaadey qaar ka tirsan dhaawacii Muqdisho

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Dalka Kenya ayaa ku soo biirey wadamada qaadaya qaar ka tirsan dhaawacyada qaraxii maalintii Sabtida 14 Oct,2017 ka dhacey magalaada Muqdisho.

Qaar ka tirsan dhaawacyadaas ayaa galabta laga dajiyey magalaada Nairibi halka ay kaga  hor-yimaadeen Garoonka qaar ka tirsan saraakisha caafimaadka dalkaas.

Wadanka Turkiga iyo Qadar ayaa maanta iyo Shaley qaadey qaar ka tirsan dhawacyadii qaraxii lala beegsadey magalaada Muqidisho Halka la yiraahdo Zoope.

Weerarkaan oo ay ku dhinteen dad gaaraya 300 halka dhaawacu ku dhow yahay 500 qof ayaa waxaa lagu tilmaamey inuu lamid ahaa falalkii argagixisada ee lala beegsadey safaarada Mareykanka ku leeyahay dalka Kenya iyo 9/11 oo iyadana ka dhacdey magalaada New York ee cariga Mareykanka.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo ka tirsan AMISOM iyadoo dhinaca kale ku sugan yihiin Qaxooti fara badan ee ka soo cararey dagaalada sokeeye ee halakeeyey wadankaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM