Dalka Qadar oo diidey shuruudihii lagu xirey in cunaqabateynta laga qaado

Image

Wasiirka arimaha dibadda ee Qadar Mohammed Bin Abdulrahman Al-thani ayaa sheegay in aysan suurta-gal ahayn shuruudaha ay soo bandhigeen xulufada Sacuudiga ,isla markaana ku baaqay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo xiisad-da taagan.

Mar uu ka hadlayay shir jaraa'id oo u ku qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayuu sheegay in qodobadan loogu tala-galay cadaadin ,isla markaana ay iska cad-dayd in dhanka Qadar laga diidi doono.

"Qof walba waa uu ka war-qabay in dalabyada ka yimid xulufada ay ahaayeen kuwa la diido doono ,waxaana loogu  tala-galay in lagu fara-galiyo madax banaanideena iyo xoriyadda hadalka ee Qadar " ayuu yiri wasiirka.

"Waxaan aaminsanahay in aduunku uusan ku kala socon shuruudo , balse lagu hago xeerarka iyo qaraarada caalamiga ah " ayuu mar kale yiri wasiirka oo tilmaamay in dhankooda uusan saamayn balaaran ku yeelan doonin go'doominta lagu soo rogay.

Ugu danbayn, xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa cunuqabtayn ku soo rogay dowladda Qadar ka dib markii lagu eedeeyay in ay taageerto ururo ay kamid yihiin Xamaas iyo Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM