Dalka Turkiga 50 qof oo ku dhimatey xaflad Aroos

Image

Istabul: Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatey qarax maalinimadii Sabtida ka dhacey goob wado ah oo ay xaflad Aroos ah ku sameysanayeen dad ku nool magaalada Gaziantep oo ku taal dalka Turkiga.

Magaalada Gaziantep oo xadka dalka Syria u jirta 40 km ayaa qofka ismiidaamiyey waxaa uu ahaa Ilmo caruurta ah oo da'diisu u dhexeyso 12-14 jir, sidaas waxaa saxaafada u sheegey Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga oo asbuucyo ka hor ka badbaadey inqilaab military ayaa sheegey in weerarkaan ka dambeeyeen kooxda ISIS kuwasoo saldhigyo ku leh dalka Syria.

Kooxda  Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Syria ayaa mararka qaarkood weerara dadka Kurdish-ka si ay kor ugu qaadaan dagaalka sokeeye ee ka dhexeeya dadka kala sinjiyada duwan ee ku nool dalka Turkiga.

Maalinimada Sabtida weerarka lagu qaadey arooskaan ayaa waxaa iska lahaa dadka u dhashey qowmiyada Kurdish kuwasoo dagaal kula jira wadanka Turkiga sidii ay uga go'i lahaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM